Qisada Guusha Singapore : Eber ilaa Heere

SHEEKADA CAJIIBKA AH EE SINGAPORE > "Singapore waa dal jasiirad yar oo ku yaalla Koonfur-bari Aasiya, gaar ahaan bartamaha marin-biyoodka muhiimka ah ee Malacca Strait, oo isku xira Badda Hindiya iyo Badda Shiinaha Koonfureed. Dhulkeedu waa ku dhawaad 728 kiiloomitir oo isku wareeg ah — taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka ugu yaryar caalamka marka la eego dhulka. Waxaa ka kooban hal jasiirad weyn iyo dhowr jasiiradood oo yaryar. Caasimadda dalka waa Singapore City, taas oo ah magaalo casri ah oo gebi ahaanba ku taalla jasiiradda weyn. > Ka hor inta aysan guuleysan, noloshii Singapore ma ahayn mid qurux badan. Dadka intooda badan waxay ku noolaayeen guryo ciriiri ah oo ka sameysan shub ama qoryo, shaqo la’aan ayaa aad u badnayd, musuqmaasuq ayaa ka jiray, nadiifnimadu aad ayay u liidatay, mana jirin kheyraad dabiici ah sida shidaal ama macdano qaaliga ah. Waxaa ahayd dekad kaliya oo yar oo ay maraakiibtu ka soo degaan, taas oo ahayd ila...