Sidee caqliga macmalka ah Ai usaameeyn doonaa soomaalida

Sidee Ai u yareyn doontaa shaqooyinka mustaqbalka ? Caqliga macmalka ah (AI) waa mid ka mid ah tignoolajiyada ugu saameynta badan maanta. Dalal badan ayuu durba ka beddelay habkii shaqo loo qaban jiray. Soomaaliya inkastoo ay weli tillaabooyinka ugu horreeya ku jirto, haddana waxaa muuqata in AI uu mustaqbalka dhow si weyn u saameyn doono shaqooyinka iyo ganacsiyada dalka. Haddaba, sidee ayuu u bedeli karaa? Shaqooyinka AI Yareyn Doono AI wuxuu si fudud u qaban karaa shaqooyin soo noqnoqda oo u baahan xawaare iyo xisaab sax ah. Tani waxay keeni kartaa in shaqooyin badan hoos u dhacaan, sida: Xisaabinta iyo diiwaangelinta – Software AI ayaa si dhakhso ah u qaban kara hawlahaas. Adeegyada macaamiisha (call centers) – Chatbots iyo automation ayaa lagu bedeli karaa wicitaannada fudud. Qoraalka iyo turjumaadda – AI wuxuu awood u leeyahay inuu sameeyo qoraallo iyo turjumaadyo si degdeg ah. Shaqooyin Cusub oo AI Abuurayo Inkastoo shaqooyin qaar yaraadaan, AI wuxuu abuuri doon...